justin timberlake iyo jessica biel waa labo kamid ah lamaanayaasha ugu caansan Hollywoodka waqti xaadirkaan la joogo ayagoona mudo dheer is qabaan.

Balse lamaanahaas ayaa noloshooda guurka waxaa baryahaan soo food saartay xaalad qalalaaso kadib markii lagu eedeeyay justin timberlake inuu khiyaanay atariishada jessica biel oo xaaskiisa ah isla markaasna uu la khiyaanay atariishada kale ee Alisha Wainwright taasoo ay siwadajir ah filim u jilayeen

Dhamaadkii sanadkii hore ayay aheyd markaan idinla wadaagnay sawirada Justin iyo Alisha xili Justin uu faraantigiisa guurka xirneyn ayagoona waqti wacan wada qaadanayay waxayna saxaafad siwadajir ah u qoreen in Justin uu khiyaanayo xaaskiisa Jessica Biel.

Hase yeeshee arintaas ayaa haatan soo qabowday kadib markii shalay la arkay justin timberlake iyo jessica biel oo gacmaha is heysto kana qeyb galaayay bandhiga koowaad ee seasonka 3aad taxanaha The Sinner kaasoo ay Jessica Biel qarash gareeye ka tahay.

Dhoola cadeynta wajigooda ka muuqato ayaa loo qaatay in Jessica iska cafisay Justin isla markaasna uu haatan diyaar u yahay sidii uu guurkiisa u badbaadsan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here