Jilaaga Raghubir Yadav lagu magacaabo ahaa xaaskiisa furiin ka dalbatay waxayna warqadaha u gudbisay maxkamada ayadoo go’aan ku gaartay in kama dambeys is furaan kadib mudo 30 sano ay nin iyo xaaskiisa ahaayen.

1990 ayee is guursadeen balse 1995 ayee kala fogaadeen oo midba gooni udagay waxaana u jooga wiil 30 sano kusii dhow oo ay udhashay haweeyneydan 60 jirta ah ayaa seygeeda ku eedeysay inuu qiyaano weyn u geestay waliba dhowr jeer markaana ay ka go’antahay inee is furaan.

Xaaskan oo lagu magacaabo Purnima ayaa dalbatay in bil walba uu Raghubir biil ahaan usiiyo 1 Lakh sido kalena 10 Crore ayee hader ka dalbatay markuu furiinka dhaco kadib.

Jilaagan waxuu sameeyay aflaam badan oo uu doorar muhiim ah ka ciyaaray sida Salaam Bombay, Dharavi, Maya Memsaab, Bandit Queen, 1942-A Love Story, Khamoshi, Lagaan, Asoka Newton iyo aflaam kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here