Jilaagii kibirka badnaa ee Can Yaman oo shaqadiisii hore la ogaaday kahor inta uusan Fanka soo galin

0
1633

Jilaaga Turkiga ee Can Yaman haatana kamid ah jilayaasha ugu magaca dheer Turkiga ayaa waxaa la ogaaday shaqadii uu qaban jiray kahor inta uusan fanka Turkiga soo galin.

Jilaagaan oo aad loogu yaqaano inuu yahay jilaa kibir badan sidoo kalana muran badan inta badana ay is qabsadaan jilayaasha kale iyo saxaafada ayaana la ogaaday inuu ka howlgali jiray howlo la xiriira xaga sharciga kahor inta uusan Jilaa noqonin.

Can Yaman ayaana markii uu jaamacada dhameeyay mudo 6 bilood ah wuxuu ahaa abuu kaate ama qareen dacwad ooge ah, asigoona howshaasi ka shaqeyn jiray balse markii dambe fanka ayuu usoo wareegsaday halkaasoo uu ka helay magaca uu raadin jiray.

Can Yaman ayaa haatan ku sugan Italy halkaasoo uu kula noolyahay gacalisadiisa oo ah wariye reer Italy, asigoona in mudo ah nasiino ka qaadanayo dhanka fanka kadib markii ay is fahmi waayeen inta badan ragii ay isla shaqeyn jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here