Kadib markii jilaayaasha Koonfur Hindiya gaar ahaan kuwa Telugu ama Tollywood kaalin weyn ka qaateen caawinta dowlada Hindiya oo dagaal adag kula jirto la dagaalanka caabuqa halista badan Coronavirus, waxay bilaabeen jilaayaasha Bollywood-ka inay is xil qaamaan oo kaalintooda qaataan dowlada dhexe ee Hindiyana siweyn u garab istaagaan.

Haddaba Akshay Kumar oo 25 Crore dowlada Hindiya ugu deeqay marka meel la iska dhigo waxaa jiraan jilaayaal oo kale oo lacago bixiyeen qof walbo tababartiisa ayuu talaabsaday sidoo kalena waxaa jiraan jilaayaal aan lacag toos ah bixinin balse agab loo baahan yahay deeq ahaan u bixiyeen.

Hrithik Roshan waa jilaagii ugu horeeyay ee dhanka Bollywood-ka ee dowlada Hindiya garab istaago lacago toos ah ma uusan bixinin balse shaqaalaha la dagaalamayaan faafista COVID-19 xarumaha ay ka hawl galaan ayuu ugu qeybiyay maasgarada wajiga lagu xirto, daawooyinka gacmaha lagu nadiifiyo iyo agabyo kale oo fara badan ayuu geeyay gobolka Maharashtra oo Mumbai xarun u ah waana halka uu Superstarkan ku nool yahay.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada jilaayaasha Bollywood-ka ee ilaa iminka dowlada Hindiya lacago cadad ahaan kala duwan ugu deeqeen si loola dagaalo faafista Coronavirus-ka:

1. Akshay Kumar – 25 Crore ($3.35m)

2. Xil dhibaanad Hema Malini – 1 Crore ($133k)

3. Xil dhibaan Sunny Deol – 50 Lakh ($66k)

4. Varun Dhawan – 55 Lakh ($73k)

5. Kapil Sharma – 50 Lakh ($66k)

6. Heesaa Guru Randhawa – 20 Lakh ($26k)

7. Atooraha musal salada kasoo muuqdo Arjun Bijlani – 5 Lakh ($6k)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here