Home » Nolosha Jilaayaasha » Jilaayaasha Bollywood-ka ee shaashada ku mataleen nolosha cayaartooy Sports-ka caan ku ahaayeen (+sawiro)

Jilaayaasha Bollywood-ka ee shaashada ku mataleen nolosha cayaartooy Sports-ka caan ku ahaayeen (+sawiro)

Bollywood-ka iyo Sports-ka waxay noqdeen kuwo is dhax galeen dhawanahan madaama fanka Hindiya bilaabeen inay dadka caanka ah noloshooda aflaan ka sameeyaan.

Sidaa darteed waxaan dib idiin xasuusineynaa dhawaanahan marka ay jilaayaasha Bollywood-ka aflaan ka sameeyeen nolosha cayaartooy caan ah oo Sports-ka Hindiya saameyn ku lahaayeen:

1) Aamir Khan (Dangal) – All Time Blockbuster: wuxuu ku matalay nolosha lagdamaagii caanka ahaa ee cayaarta lagdanka heerka sare ka gaaray Mahavir Singh.

2) Emraan Hashmi (Azhar) – Flop: wuxuu ku matalay doorka Mohammad Azharuddin oo ahaa kabtankii xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka heerkii ugu sareeyay ka gaaray aadna loo jeclaa.

3) Sushant Singh Rajput (M.S.Dhoni: The Untold Story) – Hit: Sushant wuxuu si geesinimo ku dheehan ku matalay cayaaryahanka Cricketk-ka Hindiya looga haray shaqsi caana ah MS Dhoni oo si waali ah Hindiya u jecel yihiin.

4) Priyanka Chopra (Mary Kom) – Semi Hit: waxay ku matashay doorka gabadhii geesiyada ahayd Mar Kom ee cayaarta feerka darajo sare ku gaartay xirfad ahaan.

5) Farhan Akhtar (Bhaag Milkha Bhaag) – Super Hit: Farhan isagana wuxuu u istaagay mataalada orad yahankii Hindiya ku faani jireen Milkha Singh sidoo kalena cayaaraha Olympicada wacdaro ka dhigay reer Punjab-na ahaa.

6) Irrfan Khan (Paan Singh Tomar) – Semi Hit: Irfan wuxuu ku matalay nolosha orad yahankii Paan Singh Tomar oo ku guuleestay orodka Hindiya oo dhan Indian National Games, sidoo kalena ciidamada Hindiya ka tirsana markii dambena gadooday.