Xidigaha reer Tamil ama Kollywood waxay qaateen go’aan ah inay garab istaagaan shacabkooda ama maamul goboleedkooda loo yaqaan Tamil Nadu ee xarun u ah magaalada Chennai si loola tacaalo Coronavirus-ka Hindiya ku sababay inaan guryaha laga soo bixin si adagna loo dagaalayo inuu bulshada ku dhex faafo.

Haddaba Superstar Rajinikanth oo haatan ah siyaasi saameyntiisa wato ayaa bilaabay inuu 50 Lakh ($66k) ugu deeqo dadka reer Tamil ee shaqadooda ahaan jirtay inay nolol maal meedkooda dhacsadaan in raashiin loogu kariyo lacagtaas noloshoodana lagu dabaro.

Sidoo kale Rajinikanth wuxuu ugu baaqay dhamaan jilaayaasha reer Tamil ama Kollywood inay kaalintooda qaataan oo ay lacago bixiyaan ama wixii kale oo ay awoodaan si shacabka loo garab istaago madaama waqti adag lagu jiro oo dadka la dhahay guryaha kama soo bixi karaan.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada jilaayaasha reer Tamil ama Kollywood ee lacagaha kala duwan ee ilaa iminka bixiyeen si loola dagaal COVID-19:

1. Superstar Rajinikanth – 50 Lakh ($66k)

2. Suriya, walaakiis Karthi iyo aabahood Sivakumar – 10 Lakh ($13k)

3. Sivakarthikeyan – 10 Lakh ($13k)

4. Vijay Sethupathi – 10 Lakh ($13k)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here