Sida guud fanka waa dambi waxaana usabab ah in la adeegsado Music, dumarka oo jirkooda qeybo kamid ah qaawan, mararka qaar shirki ayaa lagu dhacaa ayadoon la is ogeyn iyo in anshax xumo ka dhalato isku soo wada duub arimahaas ayaa iyo kuwa kale ayaa loo cuskadaa in fanka noocuu ahaadaba uu dambi yahay.

Jilayaasha kasoo shaqeyeen fanka hindiya qaar kamid ah ayaa soo guteen waajibaadka xajka ayagoo tageen Beydka Allaha ee kacbada sharafta badan waxaana kaga hadli doonnaa halkaan liiska xidigahaas caanka ka ah daafaha caalamka ee guteen waajibaadka xajka iyo cumrada.

1-Aamir Khan: Jilaagan wuxuu kasoo jeeda qoys muslim ah tiro laba jeer ayuu tagay kacbada mar waa sanadkii 2012 oo uusoo xajisinayey hooyàdiis Zainat Hussein markii labaad waxuu xajka tagay sanadkii 2015 waana atooraha kaliya hindiya kasoo jeeda ee tiro labo jeer booqday kacbada soona gutay wixii waajibaad ahaa.

2-AR Rehman: Waa mid kamidnah heesaayaasha iyo Music yaqaanada ugu caansan dalka India tiro labo jeer ah ayuu xajiyay mar waa sanadkii 2004 markalena 2006 ayee ahed oo nasiib u yeeshtay waxuu yiri isagoo hada kahor mar ka hadlaayey xajkiisa,”qof walba nasiib uma yeeshto inuu kacbqda tago aniga 2 jeer ayaan tagay soona gutay waajibaadkeyda midaasna waxaan oga mahadcelina Allahii ii fududeyay.”

3-Kader Khan: Jilaagan bilawgii sanadkaan ayuu geeriyooday waxuuna kamid muslimiinta fanka hindiya kasoo shaqeyeen xidigaan sanadkii 2014 ayuu soo xajiyay xili labadiisa wiil ay wadeen gaariga dadka naafada ah ayaa kagu waday markuu xajinaayey sababo la xiriira inuu xiligaas xanuunsanaa qof da’na uu ahaa markuu geeriyoonaayey waxuu jiray 81 sano.

4-Dilip Kumar iyo xaaskiisa Saira Bano: Waxay kamid ahaayen lamaanayaashoi bari samaadkii waxayna is guursadeen 60-maadkii wax caruur ah uma joogaan balse waxay ka daaheen inee gutaan waajibaadka xajka maadama muslimiin ahaayen, Dilip 2013 ayuu soo cumreystay hadana 2014 isaga iyo xaaskiisaba wey soo xajiyeen.

5-Muhammad Rafi: waa heesaaga ama fanaanka ugu faca weyn uguna maqaa ka sareeya inta codkooda ku heesta ee India kasoo jeedaan sanadkii 1970 ayuu soo xajiyay xili ay lasocdeen xaaskiisa iyo walaalkiisa ka weyn markaas ayuuna go’aan ka gaaray guud ahaan inuu iska dhaafay fanka iyo inuu codkiisa ku heeso.

5 xidig ee India kasoo jeedaan Bollywoodkana katirsan waa la hubaa xajkooda ama inee soo xajiyeen marka intaas laga soo tago seddexda Khans ee kala ah Aamir Khan, Shah Rukh Khan iyo Salman Khan atoorahe diinta ku ad adag kudhaqankeeda maadama seddexdooda inee muslim yihiin sheegteen.

Aamir Khan hadaan ku hormarno: wey adagtahay in la helo Aamir Khan ii sanam caabudaayo misane Filim kujikaayo inta badan wuu iska ilaaliyaa arimahaas, Filimka PK ee 2014 la daawaday waxuu ku muujiyay inuu ku ad adagyahay diinta Islaamka maadama mashruucaas uu kudifaacay diinta islaamka xitaa hinduugii sanamka caabudayeena ayaa sanadkaas ku kaceen ayagoo leh waad nagu xad gudubtay, Aamir xaaskiisa waa hindu waana Khan-ka kaliya soo xajiyay 4 tiir islaamka camal ahaan dhameestirmeen waa marka laga hadlo seddexda Khans.

Shah Rukh Khan: jilaagan waligiis ma uusan xajinin cumrana warkeed dhaaf waxuu sheegay inuu tukado 5 salaad ee waajibka ah balse waxuu kaloo sheegay in caruurtiisa uu baro kabada diin ee kala ah Diinta Islaamka iyo diinta hinduga maadama xaaskiisa hindu tahay kitaabka Qur’aanka ayee akhristaan marna sanamka ayee ka duceystaan waana arin aan sax aheen.

Salman Khan: waxuu sheegay inuu Muslim yahay balse waxuu kudaray inuu si isku mid ah u qadariyo diinta islaamka iyo diinta hinduga ah, waa la arkay Salman iyo Shah Rukh Khan oo Filimada kudhex jilayaan ayagoo sanam caabudaan sido kale Sallu waligiis ma xajinin waxaana ku faanaa ayuu leeyahay inaan muslim ahay.

Iskusoo wada duub: Aamir Khan ayaa ugu roon marka la is bar bardhigo seddexdooda in badan sida aan xogtaan ka fahmi karno dhanka kudhaqanka diinta islaamkana asaa ugu badan balse xisaabinta camalkooda gaarka ah Allaha Subaxanu wataacala ayaa og wixii u qarsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here