Sida guud qofka aan aaminsaneen jiritaanka Alle waxaa loo yaqaana Diinlaaweyaal (Atheists) gaalada diimaha kale heysato wey rumeysanyihiin in Alle SWT jiro adduunkana isaga abuuray balse Sanamka iyo waxyaabaha kale ay caabudaan waxay dhahaan Alle ayaan ugu dhowaaneynaa.

Balse waxaa jiraan dad aan gabi ahaanba aaminsaneen jiritaanka Alle SWT adduunkaana isaga inuu abuuray ma rumeysna dadka noocaas ah baa ladhahaa Diinlaaweyaal hadaba dadkaas meelwalba wey kujiraan xitaa Bollywoodka.

Shirkada Bollywoodka waxaa kudhexjiraan xidigo badan oo rumeysneen jiritaan Alle bal hoos kaga bogo liiska shaqsiyaadkan caanka ah:

Kamal Haasan:

Jilaagan reer Tamil-ka ah Kamal Haasan wuxuu si cad u sheegau marhore inuusan heysan wax diin ah uuna rumeysneen jiritaan Alle SWT diintiisa ugu weyna waxuu ku tilmaamay inee tahay shaqadiisa fanka balse markuu jiliin sameeynaayo ayuu asnaamta caabuda taasina jiliin ookaliya ayuu ku tilmaamay.

John Abraham: Mar wax laga weydiiyay iimaankiisa iyo diinta uu aamisan yahay waxuu yiri, “aniga iimaankeyga waa jirkeyga marwalba waxaan jeclahay hadaan noolahay iyo hadaan dhimanaayaba inaan 6 murqood ee caloosha ah lahaado.”

Waxuu kaloo sheegay in 4 sano markuu jiray aabihiis kula tallin jiray inuusan rumeynin wax diin ah waxuuna ka dhaadhiciyay wiilkan isagoo yae in Alle SWT uusan jirin Subaxaanallah.

Kiran Rao:

Mr.Prefectionist xaaskiisa Kiran Rao waa qof diinlaawe ah jiritaanka Alle-na rumeysneen waxayna sheegtay in wiilka Aamir ay udhashay ay ka cabsi qabto inuu qaato diinta Aabihiis maadama iyada diinlaawe tahay sidaas ayee la rabtay wiilkeedana balse dhaqabka hinduuga marnaba kama tagto Kiran Rao.

Nana Patekar:

markii hore waxaa loo maleyn jiray inuu kirishtaan yahay balse dhamaadkii 90-kii ayuu wareysi ku sheegay Nana inuu yahay wof aan rumeysneen jiritaanka Alle SWT waxuu kaloo sheegay inuu dhaqanka Hinduga ku as adagyahymay feesta walbana oo diimaha kale ka qeyv galaayo balse qalbiga uu diinlaawe ka ahaab doono.

Sido kale shaqsiyaadka caanka ka ah Bollywoodka misane diinlaawayaasha ah waxaa kamid ah Javed Akhtar, Akshaara Haasan, Farhan Akhtar, Rajat Kapoor iyo kuwa kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here