Home » Nolosha Jilaayaasha » Jilayaasha Bollywoodka Ee Diiden Iney Isla Shaqeyaan Gabi Ahaanba Qeybtii 3aad (+Sawiro)

Jilayaasha Bollywoodka Ee Diiden Iney Isla Shaqeyaan Gabi Ahaanba Qeybtii 3aad (+Sawiro)

Jilayaasha Bollywoodka waayadi hore shaashada wey iskala soo muuqan jireen filmo dhamestiran iyo kuwa ay muuqalo marti ahaan ugu kulmaanba balse waqtigaan la joogo jilayaasha maqaamka sarefanka kuleh ma arkeysid ayago shaashada wadaagayan.

Xitaa mustaqbalka dambe lama filaayo in jilaayaashan aan idiin soo wadno ay film wada sameyaan sababtana waa in ay hada kahor xurguf dhexmartay ama qofba qofka kale la xifaaltamo sidaa awgedna ay diidanyihiin inee shaashada kuwada kulmaan.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Qeybta labaad Jilaaysha Bollywoodka Ee Diiden Inee Isla Shaqeyaan:

Salman Khan Iyo John Abraham:

Salman iyo John waxay kamid yihiin atoorayaasha Khilaafka soo jireenka ah ka dhaxeyo waxayna colaadoda soo bilawaatay intii la duubayey filmkii Baabul markii xigayna bandhig caalami ah ayagoo ka qeyb qaadanayaan ayee hadalo kulul is dhaafsadeen waana jilayaal aan abid xaflad xitaa ku kulmi doonin iskabadaa wada shaqeyn inkastoo wax walbo dhici karaan hadana laguma tashanaayo.

Amitabh Bachchan Iyo Shatrughan Sinha:

Amitabh Bachchan iyo Shatrughan Sinha waxay kamid yihiin hogaamiyaashi bari samaadki ayagoo aflaam dhowr ah wada sameyeen waxaana marnaba la ilaawi dooni Filmkii Dostana ee ay wada sameyen balse mashruucas saaxibtinimadii ay kusoo bandhigeen maanta ma taalo.

“Saaxiibtanimadeena nabad galyo ha ahaato waligeedna wey jiri doontaa” waa heeska filmka Dostana ee labadooda jilayaan xili ay masraxa saaran yihiin balse maanta aaway hadalkii ay balan qaadeen malahan gabi ahaanba.

Mararka qaar xafladaha marka ay ku kulmaan ayee isa salaaman salaan aad u gaaban ayadoo khilaafkoda soo jireen ahaa waxaana la sheega xiliyadii Sholay iyo kadib in khilaafkoda uu soo bilawday mana la filaayo mashruuc inee ku midoowan hada kadib.

Salman Khan Iyo Vivek Oberoi:

Aishwarya Rai ayaa ka dambeysa khilaafka xidigahan ayadoo labadoodaba maanta aysan heesanin maadama ay guursatay Abhishek buuqodana ka dhex baxday, balse khilaafka Vivek iyo Sallu wali ma dhamaanin waana kuwa aad ukala fogaaden wax wada shaqeyn ahna ma dhex mari doonto xitaa salaanta ayee iskala leexdaan.

Shah Rukh Khan Iyo Sunny Deol:

Mid kamid ah khilaafadki ugu weynaa ama dagaalkii ugu weynaa jilayaasha Bollywoodka dhexmaro ayuu noqday dagaalka Sunny iyo SRK waxuuna khilaafkoda kasoo bilawday filmka Darr.

Darr Sunny Deol qayaano weyn ayaa lagu sameyay ayadoo SRK iyo Yash Chopra u tashteen taasina ay kaliftay in Sunny Deol uu goaansadya inuusan dib dambe ula shaqeynin SRK iyo Yash Chopra, inkastoo xidigahan heshiiyen hadana Sunny kuma kalsoona wali SRK waana sababta kaliftay in aysan wada shaqeyn doonin.

Rekha Iyo Jaya Bachchan:

Khilaafka atirishooyinka waxuu soo bilawday 80-maadki markii Amitabh Bachchan xiriir jaceyl la sameyay Rekha kadibna Jaya Bachchan aad oga carootay arinkaas.

Rekha iyo Jaya waligod heshiis ma ahen waxayna isku heesten Big B maadama Big Bachchan xili hore guursaday Jaya balse dareen kale u qaaday Rekha inkastoo markii dambe qaladkisa  uu dib kasaxay balana ka qaaday Jaya in uusan abid dambe la shaqeyn doonin Rekha iskabadaa isku soo dhowaanshe hadana Jaya iyo Rekha ilaa hada iskuma fiicno mana ahan kuwa wada shaqeyn doonan

Abhishek Bachchan Iyo Vivek Oberoi:

Vivek Oberoi waxuu colaad u qaaday Abhishek Bachchan markii uu Abhi guursaday Aishwarya sababto ah Aish waxaa aad u jeclaa Vivek waana mida kaliftay in atoorayaashan khilaaf ka dhex dhasho waxuuna noqday dagaalkas mid soo jireen ah.

Mana laga yaabo in ay shaqo ku kulmaan Vivek iyo Abhi maadama midba midka kale necebyahay aadna isaga kala fogaadaan..

Dhamaad..