Bollywoodka waxaa kujiraan jilayaal badan oo xiriir jaceyl la leh lamaanayaal kala duwan balse xiriirkooda ma ahan mid ay iyaga shaaca ka qaadeen ee waa kuwa xan ahaan loo wareejiyo meelaha maqaalkaan ayaana ku xusi doonaan qaar kamid ah.

Kuwa xiriirkooda awal xanta ahaa balse gadaal dambe laga ogaaday misane kala hareen kuma jiraan maqaalkan sida Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan oo la isku xaman jiray balse kala hareen hader.

Vicky Kaushal: Atoorahan waxaa lagu xaman jiray Harleen Sethi gabar la dhaho balse wey kala hareen hader Katrina Kaif ayuu xiriir la yeeshtay sida la sheegay balse wuu iska foogeyay xantaas waxuuna sheegay inuj nolosha Kalli ku yahay waqtigaan cid warkiisa ka hoos qaadayse malahan.

Vicky Kaushal

Kiara Advanai: xidigtaan Sidharth Malhotra inee isla socdaan ayaa la sheegay waxayna isla soo wadaan Filim lagu magacaao Shershaah balse Kiara wey iska fogeysay xiriirkan waxayna sheegtay ineysan wax xiriir ah laheen waqtigaan la joogo.

Kiara Advani

Sidharth Malhotra: Tara Sutaria iyo Kiara Advani ayaa lagu xantaa kadib markee kala hareen Alia Bhatt oo Ranbir Kapoor guursan rabo dhanka kale xitaa Jacqueline Fernandez waa lagu xaman jiray jilaagan balse mid walba xiriirkeeda wuu inkiray waxuuna sheegay inuu kali yahay xanta waxay u badan tahay isaga iyo Kiara inee xiriir qarsoodi keeyihiin.

Sidharth Malhotra

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here