Bollywoodka waxaa kujiraan jilayaal badan oo xiriir jaceyl la leh lamaanayaal kala duwan balse xiriirkooda ma ahan mid ay iyaga shaaca ka qaadeen ee waa kuwa xan ahaan loo wareejiyo meelaha maqaalkaan ayaana ku xusi doonaan qaar kamid ah.

Kuwa xiriirkooda awal xanta ahaa balse gadaal dambe laga ogaaday misane kala hareen kuma jiraan maqaalkan sida Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan oo la isku xaman jiray balse kala hareen hader.

Tara Sutaria: Hader la joogo waxaa lagu xantaa Ranbir Kapoor ina abtigiis Aadar Jain marhore ayuuna xanta xiriirkooda soo bilaawday mar Tara la weydiiyay waxay tiri inee hader is fahmeen saaxiibona yihiin iskuna qancaan markee meel walba isku raacaan.

Tara Sutaria

Rakul Preet Singh: atiriishada Filimka Marjaavan waxaa lagu xaman jiray inee xiriir la leedahay atooraha Rana Daggubati balde dhowaan ayee sheegtay inee saaxiibo caadi ah yihiin yaa dhag jalaq u siiyay he warkeeda xanta barteede kasii socotaa.

Rakul Preet Singh

Kriti Kharbanda: atiriishadan waxaa lagu xantaa atooraha Pulkit Samrat saxaafada ayaa ka codsadeen inee u sheegto xiriirkan haduu dhab yahay waxayna tiri Pulkit waa qof igu qaas ah oo dadka kale iiga dhow waxaana loo fahmay inuu xiriirka dhab yahay.

Kriti Kharbanda

Lasoco Qeybta Labaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here