Dadka isku mid ah marwalba hadii aad heysato kuwa kaaso horjeedan misane naceyb ka muujiyan ficil aad sameeysay aawgii waxaad heleysaa dadkale oo kugu ammaanan ficilkaas aad sameysay una arkaan inuu yahay mid saxan.

Atiriishada Deepika maalmihii u dambeyeen waxaan ogeyn in dad badan ka hor imaadeen kaliyana weerar kaga soo qaadeen dhankaa iyo baraha bulshada ayagoo ku heysteen sababtee u booqatay jaamacadii Delhi ku tiilay ee ay dhiganayeen arday muslimiin u badan kuwaaso ciidanka dowlada ay jir dileen.

Balse dadka badankooda ma oga in Deeika xili hore ay heysatay dad iyada taageersan misane ku ammaaneen ficilkaas ay ku dhaqaaqday dadkaas waxa kamid ah jilayaal fanka hindiya katirsan.

Fadlan hoos kaga bogo liiska jilayaasha caanka ah ee Deepika taageero u muujiyeen iyo mid walba oraahda uu ka dhahay:

Director Anurag Kashyap: haweyney karti iyo geesinimo leh ayaa tahay Deepika xushmadii iyo sharaftii akteyda aad ku lahed wey sii siyaaday.

Konkona Sen Sharma: xushmad weyn ayaa ku hayaa Deepika.

Shabana Asmi: dadka Deepika kasoo horjeeda waa kuwa damiir xun war ardaydaas waa dad India u dhashtay oo walaalaheen ah taageero u muujiya Deepika na waa in lagu daydaa.

Prakash Raj (Seerabtaa): Indian-ka dhabta ah waa adiga oo kale Deepika waana ku mahadsantahay falkaa ku dhaqaaaday.

Wey fara badan yihiin dadka Deepika taageereen balse inta ugu muhiimsan ayaa kasoo qaadanay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here