Jilayaashaan Hindiya guul ayay ka gaareen balse meelo ka baxsan Hindiya ayay ku dhasheen. Qeybtii 2aad.

1
1741

Inta badan guusha jilayaasha Bollywoodka waxay ka bilaabataa gudaha Hindiya balse arinta kaa qarsoon ee aadan ogeyn ayaa waxay tahay in qaar kamid ah jilayaashaas guushooda Hindiya ka bilaabay aysan noloshooda halkaas ka bilaaban yacni meelo ka baxsan Hindiya ku dhasheen.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa jilayaasha ugu caansan ee aan Hindiya ku dhalan balse wadamo shisheeye ku dhashay halkaan hoose kaga bogo qeybtii 2aad.;

3-Imran Khan;

Image result for imran khan actor

Imran Khan wuxuu ku dhashay wadanka USA balse wuxuu usoo wareegay markii ay nolosha isku faarujiyeen isna fureen aabihiis iyo hooyadiis oo lakala yiraahdo Ajit Pal iyo Nuzhat Khan.

Imran Khan oo uu abti u yahay jilaaga weyn ee Aamir Khan ayaa dib ugu laabtay USA si uu waxbarashadiisa u dhameysto balse Hindiya ayuu dib ugu soo laabtay asigoona Bollywoodka ku biiray wuxuuna filimkiisa ugu horeeyay ahaa Jaane Tu… Ya Jaane Naa.

Imran Khan kadib filimkaan wuxuu kasoo muuqday filimo kale kuwaasoo qaarkood guul gaareen waxaana jilaagaan la is lahaa wadadii abtigiis ayuu raaci doonaa balse nasiib xumo midaas ma dhicin balse taas badalkeeda xitaa jaanis uu Bollywoodka kusii joogo ma helin maadaama fashilka ku batay.

4-Sunny Leone;

Image result for sunny leone

Gabadhaan waxay ku dhalatay Canada ayadoona halkaas ku kortay waxayna markii ugu horeysay noqotay gabar Porn Star ah oo filimada anshaxa xun jisha balse markii dambey way iska joojisay.

Sunny Leone waxay caan noqotay markii ay ka qeyb gashay bandhiga Big Boss Season 5 waxayna soo jiidatay indhaha filim sameeyayaal badan ayadoo Directed Mahesh Bhatt uu yahay ninka doorkeedii ugu horeeyay siiyay waxayna jishay filimaan badan oo qaarkood guuleysteen.

5-Jacqueline Fernandez;

Image result for jacqueline fernandez

Atariishadaan ayaa ku dhalatay magaalada Manama ee caasimada wadanka Baxreyn waxaana iska dhalay aabo maleesiyaan ah iyo hooyo siriliyaanki ah oo  maba ahan asalkeeda hindi.

Atariishadaan ayaa soo caanbaxday kadib markii ay ka qeyb gashay tartanka boqorada quruxda aduunka sanadkii 2006dii inakstoo aysan ku guuleysan hadana waxay quruxdeeda dabiiciga kusoo jiidatay filim sameeyayaaal badan Bollywood ah kuwaasoo filimadooda atariisho koowaad uga dhigteen waxaana kamid ah filimada guulaha gaaray ay kasoo muuqatay Murder 2, Housefull 2, Race 2 iyo filimka Kick.

La soco qeybta 3aad.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here