Jilayaashaan Hindiya guul ayay ka gaareen balse meelo ka baxsan Hindiya ayay ku dhasheen. Qeybtii 3aad.

0
690

Inta badan guusha jilayaasha Bollywoodka waxay ka bilaabataa gudaha Hindiya balse arinta kaa qarsoon ee aadan ogeyn ayaa waxay tahay in qaar kamid ah jilayaashaas guushooda Hindiya ka bilaabay aysan noloshooda halkaas ka bilaaban yacni meelo ka baxsan Hindiya ku dhasheen.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa jilayaasha ugu caansan ee aan Hindiya ku dhalan balse wadamo shisheeye ku dhashay halkaan hoose kaga bogo qeybtii 3aad.;

6-Amy Jackson;

Image result for amy jackson

Gabadhaan waa gabar Model ah sidoo kalana atariisho Bollywood iyo koonfurba ah balse heysato dhalashi British ah waxayna ku dhalatay magaalada Douglas oo ah caasimada jasiirada Man.

Amy Jackson ayaa waayaheedii fanka ka bilowday filimada Tamilka waxayna kadib uga sii dalacday Bollywoodka ayadoo jilaaga Akshey Kumar kala soo muuqatay filimkiisa Singh is Blingh kadibna waxay ku laabatay Tamil wuxuuna filimkeedii ugu dambeeyay ahaa Robot 2.0 oo ay la jileyso Rajnikanth iyo Akshey Kumar.

7-Nargis Fakhri;

Image result for nargis fakhri

Atariishadaan waxay ku dhalatay magaalada New York eek u taalo USA  waana iska dhal Czech iyo Pakistaan waxayna howsheeda kasoo bilowday Modelka ayadoona uga sii gudbtay atariishanimo wuxuuna filimkeedii ugu horeeyay ahaa filimka hirgalay ee Rockstar kaasoo uu la waday jilaaga Ranbir Kapoor waxaana soo saare ka ahaa Imtiaz Ali.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here