Jilayaashaan Hindiya guul ayay ka gaareen balse meelo ka baxsan Hindiya ayay ku dhasheen.

0
1364

Inta badan guusha jilayaasha Bollywoodka waxay ka bilaabataa gudaha Hindiya balse arinta kaa qarsoon ee aadan ogeyn ayaa waxay tahay in qaar kamid ah jilayaashaas guushooda Hindiya ka bilaabay aysan noloshooda halkaas ka bilaaban yacni meelo ka baxsan Hindiya ku dhasheen.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa jilayaasha ugu caansan ee aan Hindiya ku dhalan balse wadamo shisheeye ku dhashay halkaan hoose kaga bogo;

1-Deepika Padukone;

Image result for deepika padukone

Waxaa dhalay gabadhaan ninka caanka ah ee Prakash Padukone oo ku caan baxay cayaarista teniska sidoo kale hooyadeed waxay aheyd wakiil safarka iyo dalxiiska u qaabilsan dowlada Hindiya sidaas darteed waalidkeeda kuma nooleyn gudaha wadanka Hindiya inta badan noloshooda ayadoo xidigtaan ku dhalatay wadanka Denmark gaar ahaan caasimadiisa Copenhagen.

Deepika ayaa markii ay halkaas ku dhalaneysay uu aabaheed halkaas safar ku joogay kaasoo ahaa mid uu halkaas tababar ugu qaadanayay waxaana dhacday in mudadii tababarka u socotay ay Deepika halkaas ku dhalatay.

Deepika ayaa Hindiya la keenay xili da’deeda ay aheyd 1 bil oo kaliya walina umusha lagula jiray.

Filimkii ugu horeeyay ee Deepika Bollywoodka ka sameysay wuxuu ahaa filimka Om Shanti Om kaasoo uu la waday jilaaga Shahrukh Khan waxayna wixii markaas ka dambeeyay noqotay atariisho laga daba dhacay heer ay aado Hollywoodka misna filim Hollywood kasoo muuqato.

2-Katrina Kaif;

Image result for katrina kaif

Katrina Kaif ayaa ku dhalatay Hong Kong waxaana iska dhalay aabo Kashmir kasoo jeedo iyo hooyo British ah kadibna markii Hong Kong ku dhalatay waxay qoyskooda u wareegeen magaalada London ayadoo halkaas ku barbaartay.

Katrina ayaa markii ay weynaatay usoo wareegtay magaalada Mumbai waxayna halkaas ka bilowday shaqadeeda Bollywoodka ayadoo filimkeedii ugu horeeyay uu ahaa Boom balse sidii larabay ugama aysan soo bixin waxaana ugu wacneyd ayadoo aan gabi ahaanba aqoonin luuqada hindiga.

Balse Katrina ayaa dhexda u xiratay sidii ay Bollywoodka uga lib keeni laheyd waxayna ku dadaashay barashada luuqada Hindiga ayadoona sameysay filimaan waaweyn misna hirgaleen waxayna la shaqeysay jilayaasha ugu caansan Bollywoodka sida Aamir Khan, Salman Khan, Shahrukh Khan Akshey Kumar iwm dhanka kale waxay la shaqeysay filim sameeyayaasha ugu caansan Bollywoodka sida Rajkumar Hirani, Yash chopra, Subhash Ghai iyo Karan Johar.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here