Inta badan jilayaasha markii ay u saarantahay waxaa loosoo bandhigaa mashruucyo badan waxaana dhacdo jaaniska oo kuyar darteed in mashaariicda qaar iska diidaan si ay kuwa kale xooga u saaraan.

Sidaas owgeed waxaa dhacdo in mararka qaar mashruucii ay iska iska diideen uu guul weyn ka talaabsado isla markaasna jilayaasha siweyn uga shalaayaan arinkaas.

Waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 3aad jilayaasha iska diideen mashaariicda hirgaleen.

11-Bazigar.

Inaba caadi ma ahan Shahrukh Khan filimkaan siduu ugu xarageeyay misna abaalmarino badan ugu qaatay doorkiisana siweyn loogu amaanay.

Hase yeeshee kahor intaan filimkaan Shahrukh Khan loo dhiibin waxaa iska soo diiday Mega star Salman Khan waana fursad dahabi ah oo uu is dhaafsiiyay.

12-Kuch Kuch Hota Hai:

Doorka ay filimkaan Rani Mukerji ku mataleyso inkastoo uu yaryahay hadana waa door Clasic ah siweyna loo jecelyahay xili filimkaan uy All Time Blockbuster noqday.

Balse doorkaas inta aysan qaadan Rani waxaa iska soo diiday Twinkle Khanna maadaama ay doorka ku qancin sidaas oo ay tahayna maanta ayadaa shalaay joogto maadaama door Clasic noqday ay is dhaafsiisay.

13-Darr;

Yaaba iloobi karo qaabka xaragada misna cajiibka ah ee uu filimkaan u jilay Shahrukh Khan balse kahor inta filimkaan SRK loo dhiibin ma ogtahay akhristow inuu iska soo diiday Aamir Khan??

14-Hum Tum.

Waa filimkii uu magac iyo maamuusba ku helay Saif Ali Khan waana filim uu waliba ugu tartamay FilmFare awards doorka atooraha ugu wanaagsan wuxuuna filimkaan noqday Big Hit.

Balse doorkaas waxaa horay isaga diiday misna calfan Vivek Oberoi waana arin uu markii dambe siweyn uga shalaayay.

15-Dilwale Dulhania Le Jayenge:

Waad la yaabi doontaa in filimkaan dooqa jilaaga dooqa koowaad ka ahaa misna lala rabay uusan aheyn SRK balse uu yahay Khan kale.

Ma ahan Aamir Khan mana ahan Salman Khan balse waa Saif Ali Khan jilaaga lala rabay inuu markii hore jilo doorka SRK ee filimkaan.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here