Inta badan jilayaasha markii ay u saarantahay waxaa loosoo bandhigaa mashruucyo badan waxaana dhacdo jaaniska oo kuyar darteed in mashaariicda qaar iska diidaan si ay kuwa kale xooga u saaraan.

Sidaas owgeed waxaa dhacdo in mararka qaar mashruucii ay iska iska diideen uu guul weyn ka talaabsado isla markaasna jilayaasha siweyn uga shalaayaan arinkaas.

Waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 1aad jilayaasha iska diideen mashaariicda hirgaleen.

1-Munna Bhai M.B.B.S waa filim guul weyn gaaray waxaana hogaamiye ka ahaa jilaaga Sanjay Dutt waliba Sanjay filimkaan waa filim guushiisa wax weyn u qabatay balse ma ogtahay kahor inta uusan Sanjay filimkaan jilin in uusan marnaba dooqa koowaad aheyn?

Shahrukh Khan ayaa ahaa dooqa koowaad ee filimkaan balse waxaa calaf u helay Sanjay Dutt.

2-Saina Nehwal biopic: waa filimka ay kusoo laaban doonto atariishada Parineeti Chopra waana filim ka hadlaayo cayaarta loo yaqaano Badminton.

Hadaba ogow akhristow kahor inta aysan Parineeti filimkaan duubistiisa ku bilaabin ineysan dooqa koowaad aheyn balse ay aheys Sharadha Kapoor waxaase calaf u heshay Parineeti Chopra asigoo filimkaan la daawan doono sanadkaan.

3-Talaash; waa filim guuleystay misna Semi hit noqday waxaana hogaamiye ka ah Aamir Khan balse ogoow akhristow kahor Aamir Khan in dooqa koowaad ee filimkaan uu ahaa Mega Star Shahrukh Khan.

4-Ghajini; waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waana filim weyn misna Blockbuster noqday waliba waa filimkii ugu horeeyay abid Hindi oo darajada 100 crore gaaray.

Hadaba akhristow ma ogtahay in filimkaan doorka ay ku leedahay atariishada Asin markii hore lala rabay Priyanka Chopra balse aysan calfan laguna badalay Asin oo si cajiib ah u jishay filimkaan.

5-Delhi Belly; waxaa hogaamiye ka ah Imraab Khan balse waxaa dooqa koowaad ahaa Ranbir Kapoor.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here