Home » Nolosha Jilaayaasha » Jilayaashii Kuch Kuch Hota Hai Maanta Xaalkoda Waa Sidee Halkeese Ka Baxeen (+Sawiro)

Jilayaashii Kuch Kuch Hota Hai Maanta Xaalkoda Waa Sidee Halkeese Ka Baxeen (+Sawiro)

Sidaan wada ognahayba mashruuca weyn ee Kuch Kuch Hota Hai ayaa shalay u dabala dagaayoeye sanad guuradiisa 20-aad maadama 20 sano kasoo wareegtaya xiliga tiyaatarada la saaray oo la daawaday.

Waxaa xalay la qabtay xaflada loo dhigay sanad guurada dabaal daga filmka Kuch Kuch Hota Hai kaaso jirsaday 20 sano waana mashruucan uu Karan Johar Bollywoodka ku qabsaday 1998.

Hadaba sidaan horey idiin kula wadaagnayba Filmsameye Karan Johar ayaa dhigay xaflad heer sare ah xalay ilaa shalay ayaana idiin la wadaageeney xog walba oo xafladan iyo mashrucan ku saabsan.

Kuch Kuch Hota Hai waxaa la daawaday shalay oo kale 16 Octo sanadkii 1998 waana film All Time Blockbuster noqday ama darajda ugu sareeso film gaaro isagoo sanadkii 1998 noqday filmka lacagaha ugu badan Box-office-ka ka keena.

Waxaa wada jileen mashruucan Shah Rukh Khan, Salman Khan (Muuqaal marti la fidiyay), Kajol, Rani Mukerji, Anupam Kher, Johnny Lever, Farida Jalal, Reema Lago iyo kuwa kale oo badan.

Xidigaha kasoo qeyb galeen xaflada waxaa kami ah SRK, Kajol, Rani, Karan Johar, Sidharth Malhotra, Kareena Kapoor, Varun Dhawan, Janhvi Kapoor, Ishaan Khattar iyo kuwa kale oo badan.

Balse halkee ka baxeen xidigii mashruucan jileen maantase halkee ku dambeyaan inkastoo qaar badan akasoo qeyb galeen xafladaan sida Sana saeed, farida Jalal iyo kuwa kale hadana aan isla barano qaar kamid ah xidigaha mashruucan wax ka jileen.

Anupam Kher Iyo Archana Puran: labadan xidig mashruuca macalimad iyo maamule ayee ku jileen kuwaso jaceyl isku qaba Archana hader Tv-yada ayee ka shaqeesa halka Anupam jiliinkisa aflaamta uu sii wato.

Anupam Kher Archana Puran Singh

Farida Jalal iyo Johnny Lever: labadaan xidig filmka qeybta shactirada door weyn ayee ka qaateen maantana wali waxay bartanka kaga jiraan qaab jiliinkoda ayagoo aflaamta kasoo muuqdaan.

kkhh_farida_johny

Parzan Dastur: waa wiilka SRK xambaarsanyaahy kaaso mashruucan ku jilay dhagoolnimo ama aamusnan qof aan hadli karin maantana waa nin weyn oo magaalkiisa dhex mushaaxaya.

KKhh