Halyeey badan oo aad shaashada ku aragtay misane maanta dunida ku nooleen ayaa jiraan qaarkood dhimashadooda waad maqashay halka qaar ay layaab kugu noqon doonto marka aad maqaalkan taxanaha ah ka ogaagtid inee xili hore geeriyoodeen.

Waxay isugu jiraan kuwo atoorayaal ahaa, atoore-caawiyaal, waalidiin, atiriishooyin, atiriisho-caawiso, shactiroolayaal iyo doorar kale oo kala duwan ayee jili jireen xitaa laadarnimo waana in ka badan 50 jilaa inta maqaalkan taxanaha ah aan ku xusi doono.

Maadama jilayaasha badan yihiin jilaa walbana xoog kooban aan raacsiineeno sids sababta dhimashadiisa, xiliga iyo wax lamid ah waxaan ukala qaadi doonaa qormada ilaa 5-qeyb fadlan maqaalkan taxanaha ah lasoco waxaad ka ogaan doontaa jilayaal badan oo qaarkood aad u maleyso inee waqtigaan nool yihiin balse xili hore geeriyoodeen.

Qeybta labaad hoos kaga bogo:

7-Saeed Jaffrey: 1929-2015 intii udhaxeysay ayuu noolaa doorkiisa ugu fiican waa R.K.Jaitley ee filimkii Prem (1995) waxuuna u dhintay xanuun maskaxda ah 86 jir isagoo ah.

8-Amrish Puri: doorkiisa ugu caansan waa Baldev Singh ee filimkii DDLJ kansar ayaa kudhacay maskaxdana dhiig ayaa oga shubmay isagoo noolaa 1932-2005 intii udhaxeysay.

9-Sulabha Deshpande: 1937-2016 ayee nooleed qof da’ ah oo iska xanuunsan ayee ahed ugu dambeyna wey geeriyootay doorkeeda ugu caansan waa maasi ee Filimkii Gair (1999).

10-Vinod Khanna: Filimkii Hulchul (1995) doorkiisa askariga aad ayaa loo ammaanah xidigaan waxuu noolaa 1946-2017 intii udhaxeysay waxuuna udhintay Kansar.

11-Razzak Khan: 1951-2016 intii udhaxeysay ayuu noolaa wadna xanuun ayuu udhintay filimkiisa ugu caansan waa Mohra doorka Jibraan walaalkiis.

Lasoco qeybta seddexaad waa maqaal xiiso leh oo xid igo badan laguso qufi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here