Halyeey badan oo aad shaashada ku aragtay misane maanta dunida ku nooleen ayaa jiraan qaarkood dhimashadooda waad maqashay halka qaar ay layaab kugu noqon doonto marka aad maqaalkan taxanaha ah ka ogaagtid inee xili hore geeriyoodeen.

Waxay isugu jiraan kuwo atoorayaal ahaa, atoore-caawiyaal, waalidiin, atiriishooyin, atiriisho-caawiso, shactiroolayaal iyo doorar kale oo kala duwan ayee jili jireen xitaa laadarnimo waana in ka badan 50 jilaa inta maqaalkan taxanaha ah aan ku xusi doono.

Maadama jilayaasha badan yihiin jilaa walbana xoog kooban aan raacsiineeno sids sababta dhimashadiisa, xiliga iyo wax lamid ah waxaan ukala qaadi doonaa qormada ilaa 5-qeyb fadlan maqaalkan taxanaha ah lasoco waxaad ka ogaan doontaa jilayaal badan oo qaarkood aad u maleyso inee waqtigaan nool yihiin balse xili hore geeriyoodeen.

Qeybta 3-aad hoos kaga bogo:

11-Om Puri: 1950-2017 ayuu noolaa jilaagan waxuu udhintay wadna xanuun kusoo booday maadama uu qamriga iska badiyay mid kamid ah doorarkiisa ugu caansan waa ACP Arjun Singh ee Filimkii Farz (2001).

12-Satyen Kappu: 1931-2007 ayuu noolaa doorkii aabaha uy kujilaya Filimkii Naseeb apna Apna (1986) ayaa ugu caansan waxuu udhintay si caadi ah maadama uu da’ah iyo qof iska xanuunsan waana odaygiu Sholay kujiray.

13-Dena Pathak: 1922-2002 ayee nooleed duqdii Devdas (2002) kujirtay hadaa xasuusatan wadna xanuun ayee 2002 u geeriyootay iyadoo da’ ah.

14-Deven Varma: 1937-2014 ayuu noolaa halyeygan Filimkii Dil kujiray waxuu kaloo qeyb ka ahaa Filimkii Elaan (1994) kilyaha oo eber noqdeen iyo wadna xanuun ayuu udhintay.

15-Pran: xidigaan aflaam badan ayuu sameeyay 1920-2013 ayuu noolaa xanuun caadi ayuu udhintay filimkiisa Don uu Big Bachchan la jilay lama ilaawi doono.

Lasoco qeybta afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here