Atooraha caanka ah ee Bollywood-ka kusoo biiray sanadii 2001 Arjun Rampal oo Soomaalida u yaqaaniin Gooraf wuxuu ku jiraa waqti adag labadii bilood ilaa sedex bilood ugu dambeesay madaama uusan guriga ka bixin balse midaas waxaa usii dheer qaliin dhanka jilibka looga sameeyay iyo caajiska uu dareemayo.

Arjun Rampal wuxuu sheegay dhibaato dhanka jilibka ah in mudo ah inee qabay ugu dambeyntiina qaliin isku sameeyay si xal midaas loogu helo kadibna asigoo guriga joogo waxaa la galay xiligii bandowga Hindiy si Coronavirus looga guuleesto taasi oo ka dhigtay xidigtan ku dhawaad sedex bilood inuu guriga ku jiro.

Arjun wuxuu yiri “Waqti adag ayaan ku jiraa waxaana rajeynaa in xaaladan laga baxo anigana dhibaato gaar ah ayaa i qabsatay qaliin ayaa jilibka la iiga sameeyay si aan caajis badan u dareemin guriga ayaan isku mashquuliyay waxaana bilaabay wiilkeyga yar Arik inaan waqti badan la qaato oo xitaa xafaayada xili walbo ka badalo.”

Arjun Rampal xaaskiisii kowaad Mehr Jesia oo ay ku dhawaad 20-sano wada noolaayeen wey kala tageen waxayna u dhashay labo gabdhood haatana atoorahan caanka ah waxaa u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Gabriella Demetriades oo u dhashay wiilka yar ee lagu magacaabo Arik.

Dhanka shaqada Arjun Rampal filimkiisii ugu dambeeyay ee la daawaday wuxuu ahaa Paltan oo 2019 tiyaatarada la saaray kaasi oo ka guul dareestay haatana waxaa u diyaarsan mashruuca lagu magacaabo Nastik oo la daawan doono bilooyinka dambe ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here