Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday xiliga la daawanayo filimkiisa Action-ka ah Attack iyo sidoo kalena goorta shaqada bilaaban doonto madaama John mashruucan isaga soo saare ka yahay sidoo kalena in badan la wada sugaayo xog ku aadan filimkan horey John ugu dhawaaqay inuu noqon doono taxane qaybo kala duwan laga sameenayo.

Filimka Attack waxaa Director ka ah Lakshya Raj Anand waana markii ugu horeesay ee uu mashruuc agaasimo sidoo kalena waxaa doorar adag ku leh labada atirisho ee aan kala dhicin Jacqueline Fernandez iyo Rakul Preet Singh wuxuuna ka hadlaa koox hawl gal bad baado loo diray oo waqti aad u xadidan heestaan iyo halis walbo oo ay la kulmi doonaan kooxdaana waxaa hogaaminaayo John Abraham.

Filimka Attack duubistiisa waxay bilaaban doontaa todobaadka ugu horeeyo sanadka cusub ama bisha Janaayo 2020 waxaana la qorsheenaa in magaalooyin kala duwan lagu duubo qorshahana wuxuu yahay filimkan si rasmi ah tiyaatarada loo saaro 14 Aug 2020 waa todobaadka Hindiya xurnimadeeda u dabaal dageyso ayadoo todobaadkan John il ka gartay madaama filimadiisii Satyameva Jayeta iyo Batla House la daawaday todobaadkan Big Hits noqdeen.

John Abraham ayaa haatan soo gaba gabeyn rabo duubista filimka Mumbai Saga oo Sanjay Gupta Director ka yahay kuna matalaayo gaangester awood badan waxayna ku xifaaltami doonaan Emraan Hashmi oo askari ku jilaayo waxaana la daawan doonaa 19 June 2020 marka uu mashruucan dhameestiro ayuu filimka Attack duubistiisa bilaaban doono ayadoo la rabo Maarso 2020 in shaqadiisa soo idlaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here