John Abraham filimkiisa guuleestay Parmanu iyo mudo sedex todobaad ganacsiga uu sameeyay

John Abraham filimkiisa Parmanu – The Story of Pokhran ee guusha wacan gaaray sidoo kalena sheeko ahaan laga wada helay waxaa ganacsigiisa Update ah mudo sedex todobaad soo daabacday shabakada BOI.

Filimka Parmanu – The Story of Pokhran wuxuu soo xareeyay 58.25 Crore (Trade Figure) mudo sedex todobaad ah waxaana muuqato in cimri ahaantiisa uu ku istaagi doono 60 Crore ama wax yar ku darsan doono.

Parmanu sida guud waa filim guuleestay Average ama Semi Hit ayuu noqon doonaa waxayna ku xirnaan doontaa natiijadiisa saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan marka uu tiyaatarada ka dago.

Sidoo kalena filimka Parmanu – The Story of Pokhran tirada guud ee tikit u goosteen waxay gaari doonaan 5-milyan oo qof waana tiro wanaagsan marka loo eego filimkan inaan la buun buunin, xayeysiin balaarana loo sameynin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Parmanu – The Story of Pokhran iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 35.08 Crore

Todobaadka labaad – 16.42 Crore

Todobaadka sedexaad – 6.75 Crore

Wadarta Guud – 58.25 Crore (Trade Figure)