Home » Nolosha Jilaayaasha » John Abraham Filmkiisa Parmanu Oo Dib U Dhac Ku Yimid Markale Shaacana Laga QaadayXiliga La Daawanayo!!

John Abraham Filmkiisa Parmanu Oo Dib U Dhac Ku Yimid Markale Shaacana Laga QaadayXiliga La Daawanayo!!

Sanjay Leela Bhansali filmkisa Padmaavat ayaa wax walbo qaribay maadama aflaam badan oo xiligooda la daawan lahaa dib udhac ku yimid si ay oga cararaan isku dhaca filmkooda iyo Filmka Padmaavat oo dhibkiisa wata hadana.

John Abraham filmkiisa Parmanu waxuuu kamid yahay filmada dib u gurashada sameyeen xiligii la daawan lahana la bedelay maadama Parmanu la daawan lahaa Maalitan Padmaavat tiyaatarada la saarayo.

Balse kooxda filmkaan wey bedeshteen taariikhda filmkoda la daawan doono waxana hader shaaca laga qaaday in la daawan doono filmkaan 23 Feb ee sanadkaan waana marki sedexaad oo uu filmkaan dib udhac ku imaanayo.

John Abraham wuxuu ka yahay soo saareyaasha filimka Parmaanu waxaana looga hadlaa filimka Parmaanu sheeko ahaan qaabkii Hindiya ugu guuleesatay inay sameesato hubka wax gumaado Nuclear-ka sanadii 1998.