Waxaa siweyn loo wada sugaa filimka Action-ka ah ee lagu magacaabo Attack oo ay wada sameenayaan John Abraham iyo Jacqueline Fernandez xiliga rasmiga ah ee duubis lagu bilaabi doono madaama mashruucan hadal heyntiisa aad u sareyso lana sugaayo John iyo Jack inay shaashada soo wada galaan.

John Abraham ayaa wareysi rasmi ah ku sheegay in filimka Attack duubistiisa isagana iyo Jacqueline bilaabi doonaan todobaadka ugu horeeyo bisha Janaayo ee sanadka cusub waxaana mashruucan Director ka ah Lakshya Raj waana markii ugu horeesay ee uu filim agaasimayo halka John Abraham uu mashruucan soo saare ka yahay.

John Abraham iyo Jacqueline Fernandez ayaa si wadajir ah u sameyn doonaan ficilo halis ah sameyn doonaan waxayna dhawaan wada qaadan doonaan tababaro ay bixin doonaan quburo caalami ah oo Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena mashruuca Attack wuxuu xambaarsan yahay miisaaniyad xoogan wuxuuna John ka damacsan yahay inuu ka dhigo taxane sida filimka Force oo kale qeybo kala duwan laga sameeyo.

John Abraham wuxuu haatan ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta duubista filimka Mumbai Saga oo la daawan doono 19 June 2020 sidoo kalena wuxuu xayeysiin balaaran u sameenayaa filimkiisa Pagalpanti oo 22-ka bishan November la daawan doono. Haka Jacqueline filimkeedii ugu dambeeyay ahaa Drive oo ay Sushant Singh Rajput la sameesay kaasi oo si Online ah Netfelix looga daawaday 1-dii bishan November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here