John Abraham” Ma Ahi Shaqsi Is Tus Tus Badan Mana Jecli Dadka Inee Igu Mashquulan”

Murqaaniga Bollywoodka ma ahan atoore jecel in lagu mashquulo ama qaab faan faan ah wax u muujiya hadey noqon lahed lacagtiisa iyo hadii ay noqon lahed murqihiisaba.

John oo arinkaan sharaxaayo waxuu yiri,”Ma ahi shaqsi is tus tus badan oo lacagtiisa ku tamashleeya mana ahi shaqsi jecel in lagu mashquulo marka aan banaanka u soo baxo waxaan iska ahay shaqsi nolol caadi ah isaga jiro wax waardiyo ah malihi, saacad qaas ah ma xirto gaarigeyga waa gaari nooca dadka dhex dhexaadka ah wataan ookale oo gaari qaali ah ma iibsado.”

“Nolol dhex dhexaad ah ayaan ku noolahay oo aan ku faraxsanahay sidaasina waa dabcigeya kama helo goobaha dadka isugu imaadan sida xafladaha oo kale xitaa.”

John waxuu karbaashay atoorayaasha lacagtooda ku faanan gawaarida kala nooca ah sitaan sido kalena labiska ugu shidan magaalka la soo aadan si loogu mashquulo, dhanka shaqada waxuu xayeysiin usameynayaa filmkiisa Parmanu ee la daawan doono 25 bishaan May.