Waxaa siweyn la isla dhex maraa maal mahan in murqaaniga Bollywood-ka John Abraham filimkiisa xiga Satyameva Jayate 2 ku matali doono sedex door ama sedex waji oo kala duwan waana filim Action ah oo qaybtiisii kowaad Satyameva Jayate sanadii 2018 Super HIT weyn noqday sidoo kalena John doorkiisii askariga taliyayaasha aguursado aad loo amaanay gaar ahaan kuwa laaluushka qaataan.

Filimka Satyameva Jayate 2 waxaa John ku wehliso Divya Khosla Kumar waxaana la daawan doonaa 2 October 2020 waxaana Director ka ah Milap Zaveri sidoo kalena John awoodii lagu yaqiinay ayuu filimkan kusoo bandhigi doonaa ayadoo warbaahinta Hindiya siweyn u hadal heyso mashruucan xiisaha badan.

Haddaba John Abraham ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo sheekada ku aadan in filimkiisa Satyameva Jayate 2 sedex door ku jilaayo wuxuuna sheegay in sheekada filimkan qaabka uu Director Milap u dhigay uu ka helay daawadayaashana siweyn doorkiisa kaga heli doonaan wuxuuna John xusay in filimkan fariintiisa wax badan ku hoos duugan yihiin sidoo kalena uusan rabin inuu kasii hordhaco doorkiisa xiisaha badan.

Dabcan hadalka John waxaa loo fahmay inay wax ka jiraan wararka la isla dhex maraayo in filimka Satyameva Jayate 2 sedex waji kala duwan ku matali doono waana la ogaan doonaa sheekadan xiisaha badan ee John ka gaabsaday waxa ka xaqiiqo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here