John Abraham waa jilaa aad u jecel wadista mootada taasina micnaheeda ma ahan in Dhoom uu kujilay sidaasna loogu lifaaqayo balse nolosha dhabta ah ayuu jilaagan aad u jecel yahay Mootooyinka kaxeyntooda.

Balse kaligiis ma jeclaa xidigo Bollywoodka katirsan oo sido kale xiiseyaan ayaa jiraan sida Arshad Warsi oo waqtigaan John Abraham saaxiib dhow la noqday waxaana la ogaaday labadooda inee ka helaan Mootooyinka kaxeyntooda.

John iyo Arshad waxay kawada shaqeyeen Filimka Pagalpanti ee la daawaday November 2019 wixii markaa ka dambeyay labadan jilaa saaxiibtinimadooda wey sii weynaneysa wararka ayaa hader sheegayaan in John saaxiibkiis Mooto u iibiyay.

Arshad ayaa sheegay in John usoo diray sawirka Mootada nooceeda yahay BMWF750 GS kadibna Arshad wuxuu u maleyay Mooto uu John asiga naftiisa u dooqanaayo markii Arshad uu John u sheegay “waa Mooto fiican Model-kan waan ka helaa” intaas markuu yiri wuu usoo diray mootadii oo cusub. John ayaa rabay inuu kala hubsado Mootada noocaas Arshad dooqiisa ine tahay markuu ogaadayna wuu usoo diray qiimaha mootada ayaa lagu sheegay inee ku fadhido 12 Lakh ($17,000 qiyaastii).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here