Filimka Malayalam-ka ah ee sida weyn sheekadiisa loo amaanay sidoo kalena guusha lixaada leh ah gaaray bilawgii sanadkan Ayyappanum Koshiyum ayaa haatan shaaca laga qaaday in dib loo sameenayo asigoo Hindi ama Bollywood ah waxaana xuquuqda mashruucan soo iibsaday John Abraham.

Shirkada JA Entertainment ee John Abraham madax u yahay ayaa si rasmi ah baraha bulshada ugu xaqiijisay inay soo iibsadeen xuquuqda Ayyappanum Koshiyum sidoo kalena sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xaalada caadi kusoo laabato shaaca laga qaadi doono hogaamiyaasha mashruucan iyo duubistiisa qorshahana wuxuu yahay in horaanta sanadka dambe la daawado.

Filimka Ayyappanum Koshiyum bishii Febraayo ee sanadkan ayaa la daawaday waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Prithviraj Sukumaran iyo Biju Menon. Wuxuuna Director Sachy sheeko sahlan ayuu doortay oo diirada lagu saaray filimka Ayyappanum Koshiyum labo nin oo si adag u xifaaltamayaan waxayna kala yihiin Biju Menon oo doorka Ayyappan Nair ku matalaayo filimkan askari mayal adag balse shaqadiisa ku weynaayo dagaal uu la galaayo ninka deegaankiisa socdaalka ku ah Prithviraj Sukumaran oo ku matalaayo doorka Koshi Kurian waxaana laga wada helay 2-saac & 5-daqiiqo filimkan soconaayo in hal muqaal oo dayacaad ka muuqato ama loo baahneyn ku jirin.

Waxaa la wada dhowri doonaa labada hogaamiye mashruucan loo magacaabi doono inkastoo ay u badan tahay in John Abraham mid ka mid ah doorarkan hirgaleen qaadan doono waxaana la wada dhowri doonaa atooraha John shaashada ku xifaaltami doonaan. Dhinaca kale John Abraham shirkadiisa mashquulkeeda wuu badan yahay madaama ay wax ka maal galineyso Satyameva Jayate 2 iyo Attack oo isaga hogaamiye ka yahay iyo filim aan magac loo bixinin oo Arjun Kapoor iyo Rakul Preet Singh hogaamiyaal ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here