Home » Nolosha Jilaayaasha » John Abraham Oo Ka Hadlay Dagaalka Uu La Gali Doono Akshay Kumar Bisha August!!

John Abraham Oo Ka Hadlay Dagaalka Uu La Gali Doono Akshay Kumar Bisha August!!

John Abrahm waxuu sanadkaan la yimid filmka Parmanu kaaso looga hadlaayey sidii hindiya u sameysatay hubka wax gumaada waana film wali tiyaatarada saaran sido kalena noqday mashruuc guulestay.

Jilaagan markale waxuu la imaan doona mashruuc horleh kaaso lagu magacaabo Satyameva Jayate waxaana la daawan doona filmkaan 15 Aug waana taariikhda la daawan doono filmka Gold ee Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay.

John ayaa saxaafada wareysi siiyay waxuuna ka hadlay arinkaan iyo iskudhaca labada film waxuuna yiri,”Akshay waxuu hogaamiye ka yahay Gold halka ana aan hogaamiye ka ahay Satyameva Jayate marka goaanka iskudhaca labadaan film iyo in lakala leexin kara ama in halmar la wado daawado goaankas waxaa iska leh shirkadaha filmadan maalgalinayaan ee aniga iyo Akki midna wax kama dhihi karno.”

“Mida kale Akshay waan jeclahay waana saaxiibkey aan aadka isugu dhownahay waana shaqsi iiga qibrad badan fanka waxaana u rajeynaa guul wacan waana hubaa mid taa lamid ah inuu isagana ii rajeynaayo.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *