Home » Nolosha Jilaayaasha » John Abraham Oo La Weydiyay Waxa Uu Sameynaayey 1998 Markii India Sameysay Hubka Wax Gumaada!!

John Abraham Oo La Weydiyay Waxa Uu Sameynaayey 1998 Markii India Sameysay Hubka Wax Gumaada!!

Atooraha John Abraham waxaa todobaadkan tiyaatarada loo saari doona mashruucisa dagaalka ah ee Paramanu kaaso ay la jileyso atirishada Diana Penty sido kalena uu John qarash garenaayo.

Filmkaan sheekadiisa waxay ku saleesantahay ama ka hadlee markii India sameysatay sanadkii 1998 hubka wax gumaada nooca Nukliyeerka loo yaqaana kaaso ay markii ugu horeysay sameysatay.

Hadaba John oo xayeysiin usameynaya mashruucisa xili ay weheliso atirishada Diana ayaa saxaafada si wadajir ah labaooda u weydiysay waxa ay sameynaayen marki India hubkaas sameysaneysa sanadkii 1998 iyo halka ay ku sugnaayenba xiligaas.

Diana dhankeeda waxay sheegtay in xiligaas ay ahed gabar yar oo iskuul dhigata sido kalena wax ka ogeed maalintaas taariikhda ah 11 May 1998 oo ah maalinka hindiya sameysay hubkaan balse John ayaa saxaafada madadaaliyey isagoo sheeka dheer u galay sido kalena ugu dambeyn kusoo gaba gabeyey in uusan xasuusanin maalinkas waxa uu sameynaayey balse uu dhalin iska ahaa.