John Abraham Oo Telefoonka Gacanta Ka Wacay Shahid Kapoor Digniin Cadna Siiyay Isagoo Arinkaan Oga Digay!!

Murqaaniga Bollywoodka John Abraham ayaa la sheegay in uu taleefankisa gacanta ka wacay atooraha Shahid Kapoor isagoo kaga digay hal qodob oo muhiim ah in uu Shahid ku dhaqaaqo.

Sidaan wada ognahay John waxay isku dhaceen shirkada filmada maalgaliso KriArj Entertainment isago ugu dambeyn kala wareegay mashruucisa Parmanu shirkadiisana ku magacaabay in ay maal galineyso.

Hadaba Shahid mashruucisa Batt Gul Meter Chalu waxaa wada maalgalinaayen Bhushan Kumar shirkadiisa T-Series iyo Kri Arj balse hader waxaa la waregeyso T-Sereies dhaqaalo xumo ku dhacday sido kalena dib udhac ku riday mashruuca Batt Gul Meter Chalu.

John ayaa maqlay dib udhaca ku yimid Shahid filmkiisa ine sabab u tahay shirkadaan oo isagaba dib udhac u geesatay waxuuna wacay Shahid misane si saaxiibtinimo ah oga digay in uu iska ilaaliyo lugooyada iyo dib udhaca ay wado shirkada Kri Arj kuna tusaale qaato dhibka ay isaga marisay.

John ayaa saaxiibkisa Shahid sida u tilmaamay sida wararka sheegayan Shahidna si wanaagsan ayuu u dhagestay talada john hader Shahid filmkiisa duubistiisa dib ayaa lo bilaaway waxaana qarash gareenta mashruucan si toos ah ula wareegtay T-Sereies oo Bhushan kumar iska leeyahay.