Home » Box Office » John Abraham wuu guuleestay madaama filimkiisa Parmanu ganacsi wacan joogteenayo

John Abraham wuu guuleestay madaama filimkiisa Parmanu ganacsi wacan joogteenayo

Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham labo farxad ayuu isku darsaday in filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ee uu soo saare ka yahay bandhig ahaan siweyn loogu amaanay oo sheekadiisa laga helay iyo sidoo kale filimkaan oo guul wacan gaaray dhanka Boxoffice-ka.

Parmanu ayaa si wacan isku celinaayo wuxuuna keenay 90 Lakh Jimcadiisa sedexaad taasi oo ka dhigan mudo 15-maalmood ah inuu soo xareeyay 51.59 Crore (Trade Figure).

Parmanu ganacsigiisa cimri ahaan wuxuu ku dhawaan doonaa 60 Crore xitaa wuu ka talaabsan lahaa balse waxaa caqabad weyn ku noqon doono filimka weyn Race 3 oo Jimcadaan tiyaatarada dhamaan la wareegi doono.

Parmanu haatan waa filim guuleestay sida shabakada BOI xaqiijisay waxayna u badnaan doontaa Semi Hit inuu noqon doono ama Average balse aan ka war sugno BOI natiijada rasmiga ah oo ay siiso.

Fadlan hoos kaga bogo Parmanu iyo mudo 15-maalmood ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 34.94 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 15.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 90 Lakh

Wadarta Guud – 51.59 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *