John Abraham Wuxuu Sheegay Dunida Maanta In Aan La Isku Haleen Karin Qatarteedana Badantahay!!

Murqaaniga Bollywoodka waxuu dhex dabaalanayaa jawi wacan sanadkaan waxaa usoo baxay filmkiisa Parmanu kaaso guul wacan ka gaaray Box-office-ka.

SIdo kale maalmo kadibna waxaa tiyaatarada loo saari doona filmkiisa Satyameva Jayate kaaso asna ah film dagaal ah oo si weyn loo wada sugaayo inkasoo Gold loolan la gali doono.

John oo saxaafada wareysi siinayo waxuu ka hadlay sida maanta wax isku bedeleen iyo xaalka jilayaasha dunida maanta waxuuna yiri jilaagan aan hadalka la gambanin.

“Dunida maanta waxay noqotay halis weyn hadii aan nahay jilayaan waxyar hadee naga qaldamaan saxaafada ama dadka kale dabka ayee u babinayaan waxaas yar qaldamay ama xanyar ayee buun buuniyaan.”

“Markii aan dhibsano dabagalka saxaafada oo hadal xanaaq ah inaga tago bas waaye dhib weyn ayuu dhalina oo aan anaga sabab u noqoneeno heer aan noqono sida argagixisa oo kale oo halis ah marna nolosheena ayaaba si fudud halis ku gali karta marka layaabkeda ayee leedahay jilitaanka dadna raaxee moodaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*