Maanta oo kale 2 November sanadkii 2005 waxaa la daawaday Filimka shactirada badan ee dadka kilyaha xanuujiyay Garam Masala kaaso Akshay Kumar iyo John Abraham hogaamiyaal ka ahaayen.

Filimkaan darajo ahaan Hit ayuu noqday waana mid kamid ah aflaamta loogu jecel yahay Bollywoodka sameyeen waxaa kaloo doorar muhiim ah kuleh Paresh Rawal, Rimi Sen, Rajpal Yadav iyo kuwa kale oo badan hoos kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah Filimkaan:

Xaqiiqada 1-aad: Akshay Kumar ayaa ku guuleystay abaal marinta Filimfare qeybta shactiroolaha ugu wanaagsan ayuuna ku qaatay mashruucan.

Xaqiiqada 2-aad: Waa Filimkii ugu horeeyay ee shactiro ah oo John Abraham sameeyo.

Xaqiiqada 3-aad: Waa Filimkii ugu horeeyay shactiro ah ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay kaasi oo Hit dhameestiran noqday waxaa ka horeeyay Mujhse Shadi Karoge balse jaceyl iyo shactiro isku dhexjiro ayuu ahaa waxaana ka hadleena Filim shactiro dhameestiran leh sidaa aawged Garam Masala waa Filimka kowaad Hit u noqday Akki Filimadiisa shactirada dhameestiran ah waxaana kuxigay Phir Hera Pheri.

Xaqiiqada 4-aad: Waa Filimkii labaad ay ku midooweyn Director Priyadarshan iyo Superstar Akshay Kumar kadib Hera Pheri (2000).

Xaqiiqada 5-aad: Saif Ali Khan ayaa loo bandhigay markii hore doorka John Abraham ee Sam balse wuu iska diiday waxaana qaatay John oo doorkaas aad loogi ammaanay.

Xaqiiqada 6-aad: Filimkaan magac ahaan waxaa markii hore loo bixiyay “Boeing Boeing” doorka Akshay Kumar na waxuu ahaa nin diyaaradaha duulimaadka ah ka shaqeya (Pilot) balse gadaal ayaa laga bedelay magaca Filimka iyo doorka Akshay-ba.

Xaqiiqada 7-aad: Markuu Akki dhameeyay duubista Filimka waxaa dib udhac kuyimid xiligii la codeyn lahaa oo jilaa walba doorkiisa isaga codeysan lahaa sidaa aawged Akki dan gaar ah ayuu Mareykanka u aaday isagoo halkaas kusugan ayaa qalabkii codeynta loogu geeyay halkaas ayuuna ku codeyay doorkiisa Filimka oodhan min bilaaw ilaa dhamaad.

Xaqiiqada 8-aad: Markuu Saif Ali Khan iska diiday doorka John Abraham sido kale kooxda Filimka waxay u bandhigeen Akshaye Khanna isagana wuu iska diiday markaas ayaana John loo bandhigay horey ayuuna ka ogolaaday.

Xaqiiqada 9-aad waa dib u sameeynta Filimka Boeing Boeing ee Malayalam-ka ah kaas uu hogaamiye ka ahaa Superstar Mohanlal.

Xaqiiqada 10-aad: Waa Filimkii ugu horeeyay Akshay Kumar iyo John Abraham isla sameyaan ilaa hadana Garama Masala 2 daawadayaasha wey wada sugayaan maadama lawada jeclaaday.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here