Halyeega WWE maqaamka sare ka gaaray sidoo kalena Hollywood-ka ka tirsan John Cena ayaa baraha bulshada ku maamuusay labada halyee ee dhawaan Bollywood-ka ka baxeen Rishi Kapoor iyo Irrfan Khan oo weli geeridii ku timid siweyn loo hadal haayo wuxuuna Cena ka mid noqday jilaayaasha caanka ah ee ka tacsiyeeyeen geeridii Rishi iyo Irrfan ku timid.

John Cena sawirada Rishi Kapoor iyo Irrfan Khan ayuu baraha bulshada soo dhigay waxaana sawiradan ka fal celiyeen kumanaan qof oo isaga ku xiran kana tacsiyeeyeen geeridii labadan halyee ku timid oo siweyn gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka looga jeclaa.

Irrfan Khan wuxuu ahaa xidig filimada Hollywood-ka kasoo muuqday halka Rishi Kapoor marnaba Waqooyiga Ameerika u shaqo doonin balse labadan waxay sinaayeen dunida inay caan ka ahaayeen sidoo kalena xanuunka kansarka u geeriyoodeen oo labadii sano ugu dambeesay haayay.

John Cena wuxuu ku xiran yahay dhaq dhaqaaqa Bollywood-ka ka socdo asigoo mar dhexdaas amaanay filimka Gully Boy ee Ranveer Singh iyo Alia Bhatt abaal marino kala duwan ku qaateen wuxuuna ku tilmaamay filim caalami ah oo fariin waaqici ah xambaarsan qof walbana dhiiri galinaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here