Maxaa ka xiiso badan aqristayaasha qiimaha badan murqaaniga Bollywood-ka John Abraham iyo wiilka soo jiidashada badan Aditya Roy Kapur inay ku xifaaltami doonaan filimka Ek Villain 2 oo uu agaasimayo Director Mohit Suri sida haatan la sheegay mashruucan labadan xidig ayaa hogaamintiisa la wareegeen.

Waxaan wada xasuusanaa sanadii 2014 Director Mohit Suri inuu sameeyay filimkii Ek Villain ee Super Hit-ka noqday waxaana wada jileen Sidharth Malhotra, Shraddha Kapoor iyo Retiesh Dehsmukh oo laadar ka ahaa filimkan haatana 6-sano kadib qayb labaad ayaa laga sameenayaa waxaana loo bixiyay Ek Villain 2.

Ek Villain 2 waxaa soo saarayaal ka ah Bhushan Kumar iyo Ekta Kapoor waxaana la sheegay haatan inay la saxiixdeen John Abraham iyo Aditya Roy Kapur si ay mashruucan hogaamiyaal kaga noqdaan sidoo kale Shraddha Kapoor ama Disha Patani labadan atirisho midkood ayaa hogaamiye looga dhigi doonaa mashruucan xiisaha badan sidoo kalena waxaa la sheegay atoore kale oo dheeraad ah in lagu soo dari doono waxaana la rajeynaa dhawaan in shaqadiisa bilaaban doonto.

John iyo Aditya oo sheekada Ek Villain 2 lala wadaagay waxaa la sheegay inay si rasmi ah duubis ugu bilaabi doonaan lixda bilood ee dambe sanadkan waa marka ay kasoo faaruqaan mashaariicda kala duwan oo ay haatan labadan xidig ku mashquulsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here