Johnny Depp oo ay hadana ka tagtay gabadhii lagu waday inuu dhawaan guursado ee Polina Glen.

0
829

Johnny Depp waa mid kamid ah shakhsiyaadka ugu caansan Hollywoodka asigoo jilaagaan la yimid filimaan waaweyn oo hirgaleen misna guulo taariikhi ah gaareen.

Johnny Depp oo ay dhawaan is fureen xaaskiisii hore ayadoona sidoo kale kusoo eedeysay inuu jirdil u geystay ayay maxkamada ka bari yeeshay arinkaas balse kiiska dacwadaas ay xaaskii hore ee Johnny Depp kusoo eedeysay wuxuu saameyn ku yeeshay mihnadiisa gaarka ah maadaama uusan wax filim ah kasoo muuqan tan iyo markii dacwadaas lagu soo oogay.

Dhanka kale noloshiisa gaarka ah wuxuu Johnny Depp xiriir saaxiibtinimo la sameeyay gabadha qoob ka cayaarka caanka ku ah ee Polina Glen misna u dhalatay wadanka Rusia.

Gabadhaan ayaa 24 jir ah halka Johnny Depp uu yahay 56 jir waxaana u dhaxeyso farqi 32 sano waana da’ aad u badan sidaas oo ay tahayna waxaa lagu waday inuu dhawaan guursan doono balse Polina Glen ayaa haatan lagu soo waramayaa iney mas’alada guurka kahor timid isla markaasna ay Rusia dib ugu laabatay.

Polina oo markii hore daganeyd guriga uu Johnny ka daganyahay magaalada Loss Angles ayaa wadankeeda hooyo dib ugu laabatay waxaana la sheegay iney xamili weysay cadaadiska saa’idka ay saxaafada ku haayaan Jilaaga Johnny Depp iyadoona sidoo kale midaas saameyn ku yeelatay.

Dhanka kale warar kale ayaa sheegayo in sababtii markii horeba xiriirka ula sameysay nin 32 sano kaweyn ay aheyd maadaama ay magac raadis aheyd sidii magac ku heli laheyd bacdamaa Johnny Depp uu kamid yahay shakhsiyaada dunida ugu caansan.

Isku soo wada duuboo haatan Polina ayaa dib ugu laabatay wadankeeda Rusia ayadoona si rasmi ah usoo afjartay xiriirkii in mudo ah ay la laheyd jilaaga Johnny Depp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here