Jonnhy Depp waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn uguna caansan Hollywoodka balse jilaagaan ayaa in mudo ahna bartanka kaga jiray dhiiqo ay lugaha u galisay xaaskiisii hore ee Ambre Heard.

Ambre Heard ayaan sidaan wararkeenii horeba idinkula wadaagnay ku eedeysay Johnny in uu jirdilay iyada xili kiiska furiinkooda uu socday taasoo arin layaab leh dadka ku noqotay balse markii dambe waxaa cadaatay in warkaas been abuur ahaa.

Johnny Depp ayaa markaas dhankiisa maxkamda la tiigsaday Ambre Heard iyo shabakada The Sun oo qeyb ka aheyd baahinta sawiro been abuur ah kana dhan ah asiga wuxuuna maxkamada ka codsaday mag dhow 50 Million Dollar ah maadaama mudadii kiiska maxkamadiisa socotay mashaariic badan uu waayay.

Todobaadkaan ayaa lagu waday in maxkamda kiiskooda dib u dhageysato balse waxaa dib loo dhigay in mudo ah maadaama aduunka uu la waalanayo caabuqa Corona Virus kiiskii dacwada ayaa dib loo dhigay

Sidaas darteed Johnny Depp ayaa ka dhawaajiyay inuusan marnaba ka hari doonin kiiskaan isla markaasna uu burburin doono nolosha Ambre Heard casharna u dhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here