Johnny Depp oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinaayo kadib markii uu badsaday cabista khamriga waxaana u sabab ah…

0
636

Jilaaga caanka ah ee Johnny Depp sidoo kalana ku caan baxay shakhsiyada kabtan Jack Sparrow taasoo uu ku matalaayo filimka hirgalay misne taxanaha noqday ee The Caribean ayaa haatan lagu soo waramayaa in xaaladiisa caafimaad halis ku jirto kadib markii uu iska badiyay cabista khamriga.

Johnny Depp inuu iska badiyo cabista khamriga qof sakhraansana noqdo waxaa u sabab ah ayaa la leeyahay kadib markii ay kala tageen xaaskiisa Amber Heard sidoo kalana ay kusoo oogtay dacwad ah inuu xadgudub iyo jirdil u geystay inkastoo warkaas markii dambe maxkamada beenisay.

Johnny Depp ayaa sidoo kale xaaskiisa u qabsaday magdhow 50 Million oo dolar asigoona sabab uga dhigay in mudadii dacwada ay kusoo oogtay socotay uu waayay lacagtaas intaas la eg dacwadaas darteed waxaa kaloo uu waayay doorkiisa The Caribbean qeybtiisa 8aaad kaasoo booskiisa jilaa kale lagu badalay.

Hase yeeshee shabakada Gossip Cop taasoo xiganeyso shakhsi aad ugu dhow jilaagaan ayaa beenisay in Johnny uu khamriga daris la noqday waxayna sheegtay wararka arinkaas ka hadlaayo iney yihiin been abuur lasoo dhoodhoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here