Jilaaga caanka ah Johnny Lever (Amadi) ayaa arin xiiso leh ka dhawaajiyay dhowaan xili uu ka qeyb galay barnaamijka The Kapil Sharma Show ee Tv-yada kabaxa waxuuna halkaas utagay si uu xayeysiin ugu sameeyo filimkii Coolie No.1 waana wareysi 2 bil iyo kabadan kasoo wareegatay hadaba halkaas shactiro weyn ayaa ka dhacday.

Johnny waxaa goobta la joogeen oo barnaamijka kala qeyb galeen Varun Dhawan, Sara Ali Khan,Rajpal Yadav, Javed iyo xidigo kale waxaana wareysiga ka qaadayey Shactiroole Kapil Sharma hadaba suaalihii Johnny ama Amadi la weydiiyay waxaa kamid ahed.

Xiligii 90-maadkii ama kahor markaa Filimada sameyneysay waligaa mala kulantay inuu Filimsameyaha kudhaho muuqalada shactirada adiga Camiro cidna wax kuuma sheegeyo.? Johnny oo ka jawaabaya dadkana ka qosliyay waxuu yiri”haa qarnigaan cusub lee bilaawatay in shactiroolayaasha wax loo sheeg sheego balse 90-kii iyo kahor anaga ayaa camiran jirnag tusaale ahaan aniga Filimsameyaha marka aan kudhaho haye diyaar ayaan ahay iisheeg muuqaalada aan duubayo waxa aan dhahaayo waxuu iigu jawaabi jiray adiga lee camiro wax qoran ma jiraan ama laguu sheegaayo.”

“Ani waxaan isdhihi jiray sidee macquul kutahay tusaale ahaan Filimka Baazigar 80% muuqaaladii aan duubay ee shactirada ahaayen aniga ayaa sameystay oo alifay misane camirtay cidna qoraal iima sheegin balse 20% meelo yaryar ayee iga saxeen Abass-Mustan marka shactiradii aad ku daawateen Baazigar anaa lahaa oo sameystay sidaasaan kusoo shaqeysan jirnay anaga xiligeena.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here