Halyeega shactirada dhanka Bollywood-ka looga haray Johny Lever oo Soomaalida u taqaan Amadi ayaa barta Tik Tok markii ugu horeesay kasoo muuqday waxaana goobta geesay gabadhiisa jilaaga ah sidoo kalena dhanka shactirada lagu gaarain waa Jamie Lever.

Amadi iyo gabadhiisa ayaa muuqaal shactiro badan iska soo duubeen waxayna dib u mataleen muuqaalkii Classic ahaa ee filimka Awara Pagal Deewana ku jiray markii Amadi iyo Paresh Rawal is helayaan waxaana xusid mudan in muuqaalkan Amadi gabadhiisa mataleyso doorkii aabaheed halka Amadi isagana doorkii Paresh matalaayo kadibna meesha qosol ayaa ka dhacay.

Paresh Rawal ayaa kasoo jawaab celiyay markii uu muuqaalkan shactirada badan fiirsaday wuxuuna dhahay “Ha ha haha, mahad sanid walaal Johny marwalbo waxaa tahay midka aan ugu jeclahay inaan la shaqo sidoo kalena waxaa ka mid tahay dadka ugu wanaagsan ee aan la shaqeeyay. sidoo kalena gabadhaada Jamie waa qof xirfad badan oo aan loo gali karin labadiina waan idin jeclahay.”

Sidoo kale ruug cadaa Suniel Shetty isagana baraha bulshada ayuu Amadi iyo gabadhiisa kula fal galay wuxuuna u rajeeyay nasiib wacan sidoo kalena uu ku faraxsan yahay in xasuus dheer la galiyay madaama Suniel filimkii Awara Pagal Deewana uu hogaamiyaashii ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here