Filimka Hollywood-ka ah ee hirgalay Joker maba hakanaayo weli wuxuu sameenayaa ganacsi adag asigoo haatan qarka u saaran inuu darajada $1 Billion gaaro madaama ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray uu haatan maraayo $985m waana ganacsi heer sare ah mashruucan Blockbuster-ka weyn noqday sameeyay.

Filimka Joker waxaa lagu qarash gareeyay miisaaniyad u dhaxeyso $55m ilaa $70m waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah aflaanta taariikhdan casriga ah ee macaashka ugu badan ebid laga helay mana aysan jirin qof sadaalinaayay inuu darajada $1 Billion ku dhawaanayo ama gaari karo.

Joker haatan gudaha USA Boxoffice wuxuu kasoo xareeyay $313.5m halka suuqyada caalamka uu siweyn u gil gilaayo kasoo xareeyay $671.2m waxayna ka dhigan tahay wadarta guud ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray inuu haatan maraayo $985m wuxuuna sidaas ku noqday filimka 9-aad ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyo ganacsiga dibad iyo dal la isku daray marka laga hadlaayo.

Dhinaca kale filimka Action-ka ah Terminator: Dark Fate ilaa iminka gudaha USA Boxoffice wuxuu kasoo xareeyay $48.5m halka suuqyada caalamka uu ka keenay $150.9m sidoo kalena ganacsigiisa guud dibad iyo dal wuxuu soo xareeyay $199.4m.

Waxaa xusid mudan in Terminator: Dark Fate in lagu qarash gareeyay $185m ilaa $196m miisaaniyaad u dhexeyso waxaa intaas u dheer in mashruucan $80m ilaa $100m dheeraad ah lagu bixiyay suuq geyntiisa taasi waxay ka dhigtay in mashruucan $450m ilaa $480m laga rabo inuu soo xareeyo ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray si uu u bad baado.

Sidaa darteed shirkadaha Paramount iyo Skydance waxay kala kulmi doonaan mashruucan qasaaro $100m ilaa $130m u dhaxeyso marka uu tiyaatarada ka dago waa niyad jab weyn madaama lagu kalsoonaa taxanahan hirgalay in macaash xoogan laga heli karo!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here