Jose Mourinho oo ka hadlay sababta keentay hoos u dhaca Alex Sanchez. Tolow yuu eeda dusha ka saaray?

0
365

Macalinkii hore ee kooxda Manchester United haatana falanqeeyaha ka ah Sky Sports ayaa ka hadlay arinta Sanchez iyo inuu qaab ciyaareedkiisa wanaagsanaa ee uu kusoo bandhigay kooxda Arsenal usoo minguurin waayo kooxdiisa cusbeed ee Manchester United.

Jose Mourinho ayaa eeda dusha ka saaray Sanchez kadib markii uu sheegay in uusan wax farxad ah muujinin midaasna sabab u noqotay inuusan qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa lasoo bixin.

Jose ayaa yiri; “waxaan dareemay inuusan faraxsaneen, marka hadaad howl aad heyso misna aadan howshaasi ku faraxsaneen waa wax aad u adag inaad heerkii ugu sareysay howshaasi ka gaarto, waxaa kale oo macquul ah inaan aniga qaldanaa oo Sanchez qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kasoo saari waayay”

Mourinho oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “markii aad tababare tahay waa inaad cayaaryahanada tayadooda soo saartaa balse mararka qaar awood uma yeelan kartid inaad sidaas sameyso, balse xaqiiqda waxay tahay inaan aniga dareemay in Alex Sanchez uu ahaa mid aanan faraxsaneen, balse haatan waxaa macquul ah inuu Inter Milan isku badalo sidaas ayaana rajeynayaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here