Jr. NTR haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimka weyn RRR oo ay isla sameenayaan Ram Charan, Ajay Devgn iyo Alia Bhatt waxaana mashruucan Director ka ah SS Rajamouli qorshahana wuxuu yahay 8 Janaayo 2021 in la daawado haatana duubistiisa heer gabo gabo ayay ku dhow dahay.

Haatan waxaa la ogaaday NTR filimkiisa 30-aad inu Director ka noqon doono saaxiibkiis Trivikram oo horey ugu sameeyay filimkii Hit-ka noqday Arvinda Sametha haatana mashruucan waa mid Action dhameestiran leh iyo fariin ahaan qiiro badan.

Sidoo kale NTR filimkiisa 30-aad waxaa atirisho kowaad looga dhigay gabadha soo caan baxday ee mashaariicda kala duwan dhawaanahan gacanta ku dhigeyso qof kale ma ahan waa xidigta la wada jecel yahay Rashmika Mandanna oo ku faraxsan inay NTR shaashada jaceyl kula wadaagi doonto waxaana mashruucan laga siin doonaa door saameyntiisa wato.

Rashmika Mandanna waa gabadhii Koonfur Hindiya ku qabsatay filimkii Geetha Govindam balse sanadkii hore waxaa ka fashilmay mashruucii Dear Comrade laakiin midaas waxba uma dhimin madaama sanadkan la timid filimkii Hit-ka weyn noqday oo ay Suldaan Mahesh Babu la sameesay Sarileru Neekevvaru.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here