Superstar-ka laga dambeeyo Jr NTR iyo qoyskiisa waxay dib ugu soo laabteen magaalada Hyderabad kadib markii todobaadyadii ugu dambeesay nasiino iyo dalxiis ku joogeen magaalada Dubai, wuxuuna haatan diyaar u yahay shaqada filimkiisa weyn RRR inuu amba qaado madaama uu nasiino ku filan soo helay.

NTR wuxuu sheegay sanadkan intiisa badan isaga iyo qoyskiisa inay caajis badan dareemeen madaama ay guri ku jireen saameynta karoonaha awgeed balse markii dambe Dubai fasax u aadeen si dalxiis iyo damaashaad u galaan ayagoo in badan feejigan kana war hayaan weli qatarta caabuqa karoonaha in aysan dhamaanin.

NTR, xaaskiisa Lakshmi Pranathi iyo caruurtooda Bhargav Ram iyo Abhay Ram waxay diirimaad u raadsadeen cad ceeda Dubai ka jirto madaama Hyderabad haatan qabbow darran ka jiro, sidaa darteed wey soo nasteen haatana Superstar-kan wuxuu dhameestiri doonaa jadwalka ugu dambeeyo filimkiisa RRR oo ay isla hogaaminayaan Ram Charan halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin.

Filimka RRR waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Kannada waana filim si caalami ah loo sameenayo qorshahana wuxuu yahay mashruucan miisaaniyada xoogan xambaarsan in la daawado xagaaga sanadka dambe madaama haatan la guda galaayo todobaadkan jadwalka ugu dambeesto mashruucan waxaana Director ka ah SS Rajamouli oo ku caan baxay sameynta Bahubali labadiisa qeybood iyo filimo kale oo Classic ah sida Magadheere iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here