Young Tiger Jr. NTR ama Tarak loo yaqaan ayaa ciwaanada Koonfur Hindiya heesto kadib markii gacan naxariis leh uu u fidiyay shaqaalaha isaga la shaqeeyaan iyo qoysaskooda madaama haatan Hindiya waqti adag ku jirto oo tan iyo bartamihii bishii Maarso bandow soo bilaawday weli uusan idlaanin dhamaan shaqooyinka aflaantana ay wada joogsadeen.

Tarak waxaa la sheegay in shaqaalaha isaga la shaqeeyaan ee howlaha kala duwan u qaabilsan inuu si hormaris ah u siiyay lacagaha mushaaraadkooda inkastoo haatan wax howl ah aysan u qabanin guryahana ay joogaan sidoo kalena qoysaskoodana si gaar ah ayuu u daryeelaa wuxuuna u sheegay wax walbo oo ay baahdaan ama culees kasto oo lasoo darso inay lasoo wadaagaan.

NTR waxaa la shaqeeyaan team ama kooxo kala duwan oo qaabilsan dhanka xog heynta, suuq geynta, heshiisyada filimada uu galaayo, labiska iyo Style-ka iyo shaqaale kale oo howlo muhiim u ah hormarkiisa dhanka fanka qaabilsan wuxuuna sheegay team-ka isaga la shaqeeyaan inuusan lacagta ka goosan doonin ilaa xaalada caadi kusoo laabaneyso.

NTR wuxuu duubis ku waday inta Hindiya bandowga aysan galin filimka RRR oo ay isla jilayaan Ram Charan, Ajay Devgn iyo Alia Bhatt waxaana Director ka ah SS Rajamouli waxaana la daawan doonaa 8 Janaayo 2021 sida la qorsheenayo inkastoo weli filimkan jadwalo muhiim ah duubis ahaan u harsan yihiin lana amba qaadi doono shaqadiisa marka xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here