Superstar-ka koonfur India Jr NTR ayaa loo bandhigay Filimka Thalaivi ee looga hadlaayo nolosha haweeyneyda siyaasada katirsaneed ee Jayalalithaa waxaana doorka nolosheeda looga hadlaayo shaashada ku jileyso atiriishada caanka ah Kangana Ranaut.

Xidigaan waxaa loo bandhigau doorka awoowgiis Nandamuri Taraka Rao (NTR) inuu shaashada kujilo maadama haweeyneyda Jayalalitha iyo awoowga Jr NTR wada shaqeyn badan soo dhexmartay waayahooda.

Filimo badan ayee isla sameyeen sido kale siyaasada hindiyana wey kawada tirsanaayeyn xili Jayalalitha ay noqotay wasiir dowlaha gobolka Tamil Nandu iyo haweeyneuly siyaasadeeda dal iyo dibadba caan ku noqotay.

Jr NTR declined the offer to play his grandfather in Kangana Ranaut starrer Thalaivi?

Hadaba JR NTR ayaa iska diiday Filimkaan gabi ahaanba sababta uu ku diidayna waxuu ku sheegay inuusan shaashada ku jili karin doorka awoowgiis ama iska dhigi karin awoowgiis sidaa aawged xushmad uu awoowgii u haayo aawgeed ayuu mashruucan gabi ahaanba kudiiday waxaa la weydiiyay in Filimadiisa qaar uu awoowgii iska dhigo marka maxaa diiday inuu toos awoowgii door dhameestiran isaga dhigo waxuuna ku jawaabay.

“Hal muuqaal ama labo muuqaal ayaan shaashada ki jili jiray anoo awoowgey iska dhigaayo balse wey igu adagtahay inaan door dhameestiran shaashada hoeteeda isaga dhigo awoowgey waana sababta aan ku diiday Filimkaan” dhanka kale Kangana ayaa doorkeeda mudo 6 bilood ah isku diyaarineysay sidee shaashads kaga dhabeyso nolosha Jayalalitha.

Vijay ayaa Director ka ah magaca Filimka, inuu kudhawaaqo mashruucan iyo aragtidiisa kowaadba waxuu soo bandhigay 24 Feb ee bilawgii sanadkaan xili dhalashada Jayalalitha ku beegned oo 71 sano jirsatay markaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here