Young Tiger Aka Jr. NTR ayaa la saftay saaxiibkiis Stylish Star Allu Arjun waxaana dhibsaday haddalada NTR kasoo yeereen suldaan Mahesh Babu waana arin siweyn Koonfur Hindiya looga hadal haayo gaar ahaan dhul weynaha Telugu ee xarun u ah Hyderabad.

NTR ayaa la sheegay inuu daawaday filimka Ala Vaikunthapurramloo ee Allu Arjun hogaamiye ka yahay sidoo kalena tiyaatarada saaran wuxuuna NTR ka helay qaabka sheekadan filimkan loo dhigay doorka Allu Arjun qaatay asigoo dhahay “Cajiib badanaa sheekada filimka Ala Vaikunthapurramloo waxaase kasii daran juhdiga iyo bandhiga uu Allu Arjun filimkan galiyay qaabka loo qoray sheekada siweyn ayaan hubanti ahaan kani waa filim aan marnaba lagu caajiseyn qoysaska ku raaxeesan karaan, hambalyo Allu Arjun iyo Director Trivikram.”

Suldaan Mahesh Babu kama uusan helin amaanta balaaran ee uu NTR baraha bulshada ugu soo jeediyay Allu Arjun iyo filimkiisa madaama taasi ayay sababtay in taageerayaal badan oo NTR ku xiran tiyaatarka aadaan sidoo kalena u baataan daawashada filimka Allu Arjun oo haatan siweyn Telugu kaga gadmaayo.

Waxaa xusid mudan in Mahesh Babu tiyaatarada u saaran yahay filimka Sarileru Neekevvaru waxayna masraxa isku heestaan ganacsi ahaan Allu Arjun filimkiisa Ala Vaikunthapurramloo sidaa darteed Mahesh Babu wuxuu ka rabay JR. NTR labada filim inuu wada amaano ama uu ka gaabsado madaama uu Suldaan Mahesh dareemayo in NTR dhanka Allu Arjun u batay marba haddii filimka Allu Arjun amaan lixaad leh ugu qubeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here