Young Tige Aka Jr. NTR wuxuu rabaa si adag inuu usoo rogaal celiyo madaama 2019 wax filim ah usoo bixin sidoo kalena 2020 filim uma soo bixi doono balse wuxuu rabaa 2021 ama sanadka dambe sedex filim waa weyn inuu saaxada la imaado si uu taageerayaashiisa u mada daaliyo.

NTR wuxuu duubis ku waday filimka weyn RRR ee Ram Charan isla jilayaan ka hor inta aan bandow la galin waxaana mashruucan la daawan doonaa 8 Janaayo 2021. Sidoo kale marka uu shaqada filimkan dhameeyo wuxuu filimkiisa 30-aad ee hogaamiye ka yahay u sameyn doonaa Director Trivikram oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Balse maanta aqbaarta xiisaha badan ee aan idiin heyno waxay NTR inuu la shaqeyn doonto Director Prashant Neel oo ku caan baxay filimka KGF Chapter 1 haatana u diyaarsan yahay KGF Chapter 2 waxayna labadan ku midoobeen filim weyn oo miisaaniyad culus la galin doono.

Waxaa la ogaaday in NTR filimkiisa 31-aad uu ku matali doono tuug caalami ah oo xaruntiisa tahay magaalada Bangalore waxaana filimkan lagu daawan doonaa luqadaha Telugu iyo Kannada. Waxaa xusid mudan in NTR hooyadiis reer Karnataka tahay sidaa darteed atoorahan si wacan ayuu luqada Kannada u yaqaan kumana adkaan doonto inuu mashruucan sameeyo, waxaana intaas u dheer inuu Karnataka taageerayaal fara badan ku leeyahay.

Madaama filimkan Action yahay NTR xarakaad aan horey loogu arkin ayuu sameyn doonaa sidoo kalena waxaa laga hawl gali doonaa madama NTR iyo Director Prashant Neel iska dhameestiraan shaqooyinka haatan qabyada ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here